Al Misgagui oo hambalyo u diray Duqa cusub ee Diri Dhaba
Jabuuti 2 Oktabar— Duqa Magaalada Jabuuti, Mudane Saciid Daauud Al Misgagui, ayaa hambalyo diirran u diray Mudane Cabdillaahi Aadan Yuusuf, kaddib markii Golaha Magaalada Diri Dhaba uu u doortay Duqa cusub ee magaalada. Farriin hambalyo ah oo uu u diray dhiggiisa Diri Dhaba, Duqa Magaalada Jabuuti ayaa u rajeeyay Cabdillaahi Aadan Yuusuf guul iyo horumar uu ka gaaro xilka cusub ee loo igmaday, isagoo muujiyay muhiimadda ay leedahay hoggaanka wanaagsan iyo u adeegidda shacabka. Al Misgagui ayaa sidoo kale u rajeeyay Duqa cusub inuu si hufan uga soo baxo waajibaadka xilkiisa, isla markaana uu ka shaqeeyo horumarinta magaalada iyo daryeelka danaha shacabka Diri Dhaba. Duqa Magaalada Jabuuti ayaa Alle uga baryay Cabdillaahi Aadan Yuusuf inuu u fududeeyo gudashada mas’uuliyadaha loo igmaday, kuna garab galo dadaallada uu ku horumarinayo magaalada iyo adeegyada bulshada. Hambalyada uu Al Misgagui u diray dhiggiisa cusub ayaa kusoo beegmaysa xilli xiriirka u dhexeeya Jabuuti iyo Diri Dh...