Hogaamiyaha wanaagsan waxaa lagu yaqaanaa inuu leeyahay aragti fog, faham dheeri ah, awood uu ku xalliyo dhibaatooyinka, iyo bisayl siyaasadeed. Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle, hoggaamintiisu waxay si qoto dheer u saameysay halbeegga qaran ee Jamhuuriyadda Jabuuti, isagoo horseeday horumar weyn oo ku baahsan dalka oo dhan iyo meelo ka baxsanba.
Hogaaminta Madaxweyne Geelle waxay saameyn muuqata ku yeelatay qaabka iyo xushmadda ay Jabuuti ku leedahay gobolka Geeska Afrika iyo ururrada caalamiga ah. Sababtaas awgeed, waxaa dalka Jabuuti si weyn loogu tixgaliyaa aduunka dacalladiisa. "Hogaamintu waa awooda lagu hirgeliyo himilo dhab ah," ayuu yidhi madaxweyne Geelle, iyadoo higsi cad iyo siyaasado hufan ay astaan u noqdeen maamulka uu ku hoggaaminayo dalka.
Madaxweyne Geelle wuxuu marar badan muujiyay bisayl siyaasadeed iyo haldoor hoggaamineed, isaga oo hirgelinaya qorshayaal horumarineed oo la jaan qaadaya hadafyada Qaramada Midoobay, gaar ahaan kuwa la xiriira tayada waxbarashada, kobcinta dhaqaalaha, horumarinta xirfadaha casriga ah, iyo dagaalka ka dhanka ah saboolnimada.
Marka dib loo eego 20-kii sano ee la soo dhaafay, horumarka iyo dadaalka madaxweynaha waa mid laga dareemi karo dalka oo dhan, magaalo iyo miyi ba. Jabuuti waxay qaaday tallaabooyin waaweyn oo ay ku gaadheyso himiladeeda sanadka 2035, haddii dadaalladaas si joogto ah loo sii wado.
Maamulka dowladeed ee Madaxweyne Geelle waxaa lagu saleeyaa dhowr dhinac oo muhiim ah, sida horumarinta dhaqaalaha iyo tayeynta bulshada. Maamulkiisa hufan ayaa abaal-marin weyn kaga helay shacbiga Jabuuti, isagoo noqday siyaasi aad ugu xeel dheer arrimaha bulshada, hogaaminta wanaagsan, iyo ilaalinta danta guud ee qaranka.
Waxaa xusid mudan doorka weyn ee Madaxweyne Geelle uu ku lahaa dib u dhiska dowladdii dhexe ee Soomaaliya, iyo kaalinta siyaasadeed ee uu ka qaatay xoojinta nabadda gobolka Geeska Afrika, gaar ahaan Soomaaliya. Madaxweyne Geelle waa siyaasi rug-caddaaya ah oo si weyn uga qayb qaatay dadaallada nabadeynta, isaga oo si joogto ah u taagnaa taageerida nabadda iyo horumarinta xiriirka dowladaha deriska ah iyo guud ahaan gobolka.
Waxaa kale oo aan la dafiri karin doorkiisa ku aaddan kobcinta xiriirka caalamiga ah iyo diblomaasiyadda, taas oo horseeday in Jabuuti noqoto wadan muhiim ah oo kaalin muuqata ka qaata arrimaha siyaasadda iyo nabadda Qaaradda Afrika. Madaxweyne Geelle ayaa mar kale ku caddeeyay inuu yahay hoggaamiye bisil, oo u taagan nabadda iyo horumarka, taas oo astaan u noqotay hogaankiisa.
Madaxweyne Geelle, wax kastaba ha noqotee, wuxuu leeyahay xirfad iyo bisayl siyaasadeed oo ka dhigaya hoggaamiye ku suntan halbeegga qaran ee horumarka iyo xasilloonida dalka Jabuuti iyo gobolkaba.
Aucun commentaire:
Enregistrer un commentaire