Munaasabad Muhiim ah: Duqa Magaalada iyo Ugaaska oo ku kulmay Qado-Sharaf

 

Duqa Magaalada Jabuuti, Mudane Siciid Daa’uud Maxamed, ayaa maanta qado-sharaf maamuus ah u sameeyey Ugaas Mustafaa Maxamed Ibraahim , iyo xubnaha ka tirsan   Gandaha , taas oo muujinaysa sida uu Duqu ugu debecsanyahay ilaalinta dhaqanka iyo hiddaha bulshada.


Munaasabaddan rasmiga ah oo ka dhacday Huteelka Sheeraton, kuna qabsoontay jawi deggen, sharaf leh, waxa ka soo qayb-galay mas’uuliyiin heer qaran ah. Waxaa ka mid ahaa Agaasimaha Amniga Qaranka, Mudane Xasan Siciid Khayre, xildhibaanno dhowr ah sida Sharmaarke Muuse Atre oo ah doyen-ka Baarlamaanka iyo Cali Zeyd Chadily, iyo sidoo kale Guddoomiyaha cusub ee Gobolka Jabuuti, Mudane Cabdi Xasan Axmed.



Mudane Siciid Daa’uud Maxamed, oo caan ku ah dhaqanka, hiddaha iyo fahamka qotada dheer ee bulshada, ayaa mar kale muujiyey ixtiraamka uu u hayo madaxda dhaqanka sida Suldaanada, Ugaaska, iyo odayaasha waaweyn ee matala heerarka hidde-dhaqameed. Duqu muddo dheer ayuu hormuud u ahaa isku xidhka hay’adaha casriga ah iyo nidaamka dhaqanka, kuwaas oo ah laf-dhabarka aqoonsiga qaran ee Jamhuuriyadda Jabuuti.


Qado-sharafta ayaa ku dhacday jawi ay ku lammaan tahay walaaltinimo, is-maqal iyo dhab u wada hadal. Martidu waxay isla wadaageen hadallo diirran iyo aragti is-weydaarsi ku dhisan ixtiraam, taas oo muujisay sida ay u xooggan yihiin xiriirrada u dhexeeya maamulka magaalada iyo madaxda dhaqanka—xiriir muhiim u ah midnimada iyo isku-duubnida bulshada reer Jabuuti.


Markii qadadu soo dhammaatay, Ugaas Mustafaa Maxamed Ibraahim  ayaa munaasabadda ku soo xiray ducooyin xikmad iyo ruuxiyad culus xambaarsan. Waxa uu Eebbe ka baryey in uu dunida ka dhigo mid nabad iyo barwaaqo ku wada noolaata, Ummadda Islaamka oo dhan uu kheyr ku maneysto, gaar ahaan dalalka Geeska Afrika. Waxa kale oo uu ducadiisa khaaska ah u jeediyey martigaliyaha, Duqa Magaalada Siciid Daa’uud Maxamed.


Munaasabaddan ayaa loo arkay mid ka turjumaysa wada-nooshaha, ixtiraamka iyo xoojinta qiyamka asaasiga ah ee bulshada. Tallaabada uu qaaday Duqa ( oo ah aqoonsi-yaqaan dhaqanka, kuna dhashay qoys caanno ku ah bulshada, wiilka Sheekh Daa’uud ) waxay mar kale muujisay kaalintiisa mideyneed iyo dedaalkiisa joogtada ah ee ah in uu buundo ka dhiso dhaqanka iyo dowladnimada casriga ah.


Fariin cad, ficil muuqda, iyo tusaale kale oo muujinaya sida dhaqanka iyo casriyaddu isugu iman karaan si ay u hagaan horumarka iyo xasilloonida gobolka 









Commentaires